Mashruuca Open Officeka oo Soomaali ah.


OpenOffice.org waa mashruuc dhaqan geliya softwarada xafiissed oo furan. Openoffice.org wuxuu ka kooban yahay dhowr qaybood. Waxay kala yihiin Writer, Calc, Draw, Impress, Base. Writter waxaad si hagaagsan ugu adeegsan kartaa qoraalada kala duwan sida qorista waraaqaha. Calc waxaad u adeegsan kartaa dajinta miisaaniyadaha iyo xisaabaadka. Draw waxaad u adeegsan kartaa sawirista. Impress wuxuu kuu fududaynayaa sidii aad u bandhigi lahayd qoraal, misaaniyad ama sawir. Base waxaad u adeegsan kartaa kaydinta macluumaadka.

so.openoffice.org waa mashruuca openoffice.org loogu tarjumaayo af soomaaliga. Mashruucaan oo hadda ku jira wejigiisa hore ayaa ujeedadiisu tahay sidii OpenOffice.org loogu tarjumi lahaa af soomaaliga, si ummadda ku hadasha af soomaaliga ay u helaan software tayaysan oo ay wax ku qortaan, xisaabtaan, bandhigaan ama wax ku kaydsadaan, isla markaana ku hadlaaya afkooda.

Haddii ay aqoontaada kombuyuutarka ama luuqada soomaaliga sareyso oo aad rabto inaad ka qayb qaadato mashruucaan la soo xiriir hogaanka mashruuca si loo qiimeeyo arjigaada laguuguna ogolaado inaad ka qayb qaadato mashruuca.